Qarax khasaare sababay oo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL)-
Wararka ka imanaya magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa
sheegaya weerar Bambaano loo adeegsaday lagu qaaday goob ay ka socday xaflad
kaa oo ay ku dhaawacmeen saddex ruux.
Goobta weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ka socta xaflad lagu maamuusayay
dagaalkii koowaad ee adduunka, iyadoo ay soo qabanqaabisay safaaradda
Faransiiska ee Sucuudiga.
Qaraxan ayaa gaar ahaan lagu
tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jeddah halkaas
oo xuska lagu qabanayay.
War ka soo baxay dowladda dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarka
oo ahaa mid fuleyno ah ku dhaawacmeen dad u dhashay Sacuudiga iyo Gariiga oo
munaasabada ku sugnaa.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com