4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Shariif Sheekh Axmed '' Waxaan u nimid jowhar in tabashada jirta xal laga gaaro ka hor inta aan doorasho la aadin

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in sababta socdaalkooda Jowhar ay salka ku heyso in xal waara laga gaaro tabashada ka jirta dhismaha Hirshabeella ka hor inta aan doorasho la aadin.

''Ujeedada socdaalkeena waa howl aan muddo soo wadnay oo ku saabsaneyd Dad xoogaa tabasho ka qabay Arrimaha Doorashooyinka Hirshabeelle  oo aan wadahadal la waday oo meel fiican aan soo gaarsiinay  in aan idinla wadaagno si arintaa nabad loogu soo dhameeyo oo heshiis looga gaaro'' ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Hirshabeelle iyadoo heshiis lagu yahay aysan wax hormar ah oo wanaagsan sameyn mudaddii ay soo jirtay, taa badalkeedana ay ka sii darran tahay in la dhiso Hirshabeelle leysku khilaafsan yahay oo aan heshiis lagu heyn.

'' Dalkaan guud ahaan wuu ka soo daalay khilaaf iyo kala duwanaasho in leys dhageystana waa muhiim marmarka qaar haddii la wada hadlo ayuuna xalku yimaadaa sidaa daraadeed waa ka hor inta aan doorasho la gali la soo dhameeyaa arrimaha taagtaagan meel fiican ayeeyna soo gaareen runtii inta dhimanna waxaa rajeynayaa in aan ku guuleysano, Annaga ujeedada aan leenahay waa in ay wax ku dhismaan nabad, maxaa yeelay iyada oo colaad jirin oo khilaaf jirin ayeeysan Hirshabeelle meel fiican gaarin, sidaa daraadeed waxa meel lagu gaari karo waa nabad iyo in leys ogol yahay  '' ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Socdaalka Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Jowhar ayeey dad badani qabaan uu la xiriiro iskuday la doonayo in lagu xaliyo Doodda iyo Khilaafka ka taaggan hannaanka lagu wajahayo dhismaha 2aad ee Hirshabeelle gaar ahaan dhinaca awood qeybsiga iyo heshiiskii markii horeba lagu dhisay maamulkan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]