4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 7 , 2020
Madaxweyne Waare oo lacagihii ka yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku wareejiyay Guddigii ka hortagga fatahaadda Beledweyne


Axad, Juun 07, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Beledweyne lagu qabtay munaasabad uu madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ku wareejinayay lacagtii ka timid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Lacagtaas ayaa waxaa loogu tala-galay in wax looga qabto fatahaadda saameynta ba’an ku yeelatay magaalada Beledweyne sanadihii ugu dembeeyay.

Markii uu wareejinayay lacagta ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxa uu meesha ka jeediyay hadallo u badan dardaaran iyo in shacabka magaaladaas  ay sameeyaan isku duubni iyo wada-jir si ay guulo badan uga gaaraan waxyaabo badan oo saameyn dhinaca nolosha iyo horumarka ah ku yeeshay.

Lacagtaas oo cadad ahaan gaareysa $1,140,000 {Hal milyan, boqol iyo Afartan kun oo doollar} ayaa waxaa lagu wareejiyay Guddiga xakameynta fataahadaha magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne oo ah xarunta ganacsiga ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa sanadihii ugu dembeeyay saameyn adag ku yeelanayay fatahaad uu sameynayay webiga Shabeelle  xilliga roobabka xooggan ay ka da’aan Soomaaliya .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]