4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2020
Dowladda Maraykanka oo bayaan culus kasoo saartay dilkii shaqaalaha samafalka ee gobolka shabeelaha dhexe
 

Axad, Juun 07, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladaha sii xumaanaya ee amniga  shaqaalaha gargaarka samafalka ee jooga Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarada lagu qaadayo kuwa ka shaqeynaya ilaalinta nolosha kuwa nugul, waxaana lagu baaqay inay joogsadaan rabshadaha noocaan ah iyo in kuwa mas'uulka ka ah in sharciga la horkeeno.

Bishii Meey 27, toddobo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka bini'aadminnimada ee Soomaaliya iyo xubin ka mid ah bulshada ayaa lagu diley weerar lagu qaadey xarun Caafimaad oo qaabilsan Hooyada iyo Dhallaanka oo ku taal tuulada Gololey oo katirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Safaaradda Mareykanka iyo Howlgalka USAID ee Soomaaliya waxay tacsi u direen qoysaskii iyo asxaabtii dadkii lagu dilay weerarkaas.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu xumayd sanadkaan lala beegsado shaqaale u shaqeynayay hay'ad aan dawli ahayn.

Safaaraddu waxay sheegtay Falalka noocan ah ee lagula kacayo kuwa ka shaqeeya arrimaha bina-aadamnimada, inay muujinayaan muuqaal gaar ah oo loogasoo horjeedo helitaanka gargaarka aadanaha iyo kaalmaynta dadka nugul.

Dowladda Mareykanka waxay ugu yeereytay dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya in ay dhowraan sharciga caalamiga ee bani'aadamnimada iyo in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka si ay u sii wadaan caawinta dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed ee ay la shaqeynayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]