4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2020
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaalkii saakay ka dhacay degmada Balcad
 

Khamiis, Juun 04, 2020 (HOL) - Kadib dagaal saakay waabarigii hore ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab,  waxaa iminka lagusoo warramayaa in xaaladdu ay degantahay,  islamarkaana  ciidamada dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ay duleedka magaalada ka sameynayaan howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay HOL ayaa waxay sheegeen in dirirtii saakay ka dhacday duleedka Balcad,  gaar ahaan barta koontaroolka magaalada laga ilaaliyo ee jihada Afgooye xigta  ay hadda ku suganyihiin ciidamada dowladda.

"Waxaa la is-weydaarsaday rasaas culus, dagaalkuna wuu xoogganaa,  waxaa xaqiiqa ah in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse hadda aniga kuuma sheegi karo  inta uu khasaaraha la'egyahay " ayuu qof dadka deegaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la shaacin innoo sheegay.

Dhinaca kale,  waxaan isku daynay in aan xiriir la sameyno mas'uuliyiinta degmada iyo wasaaradda amniga Hirshabeelle balse weli innooma suura-gelin in aan helno.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa qortay in muddo kooban dhinacii weerarka soo qaaday "Al-shabaab" ay la wareegeen Balcad,  balse markii dembe ay isaga baxeen.

Degmada Balcad ayaa ku taalla Gobolka Shabeellada dhexe,  waxayna jihada waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya oo ay ka fogtahay 30KM .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]