4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Ciidamada Dowladda oo qabsaday deegaanno muhiim ah oo ay Al-shabaab horay u maamulayeen Gobolka Shabeelleda hoose
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Ciidamada Kumaandoosta  xoogga dalka ee Danab iyo Gorgor ayaa waxay la wareegeen deegaanno hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose, waxayna sheegeen mas’uuliyiinta ciidamadaasi in hadda ay gacanta si buuxdo ugu hayaan dhowr tuulo oo ay Al-shabaab maamulayeen .

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandoosta Soomaaliya G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ee SNA ayaa waxa uu qeexay in hadda ay gacanta ku hayaan deegaannada kala ah Jilib-marko Gendershe , isagoo intaa ku daray in ay dileen saraakiil Al-shabaab deegaannadaasi u qaabilsanaa .

Taliye Ismaaciil Cabdimaalik ayaa intaa ku daray iney sii wadayaan howl-gallada ay doonayaan in gacanta dowladda ay kusoo geliyeen dhulka weli Al-shabaab ay maamulaan.

Marka laga yimaado guulaha ay sheegteen ciidamadaasi ma jiraan ila madax-bannaan oo warbaahinta la hadlay, iyadoo sidoo kalena weli Al-shabaab aysan ka hadlin dagaalkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]