
newsinsideWaxyaabaha ay keeneen guddigaasi waxaa kamid ah habka matalaadda kuraaska maamulka Gobolka Banaadir ay noqoneyso, miisaanka kuraasta siyaasadeed oo ay dumarku yeelan doonaan, daadajinta kuraasta xildhibaannada Baarlamanka Qaranka iyo sida ay noqon kareyso doorashada kuraasta Gobollada waqooyi Somaliland.
Guddigaan ayaa waxay horay usoo bandhigeen matalaadda siyaasadeed iyo kuraasta Gobolka Banaadir uu yeelanayo, iyagoo u qoondeeyay 7 kursi, hase-ahaatee waxaa jiray dhaliillo loo soo jeediyay aragtidaasi, taas oo markii dembe socon waaysay, waxaana ay u muuqatay aragtidii guddiga mid meel martay.


