
newsinsideWasiirka ayaa sheegay in cudurka covid19 uu marayo marxalado kala duwan, isagoo tilmaamay in dowladdu ka fogaanayso in cudurka meelaha uu kasii yaraanayo uu dib ugusoo laabto ama in cudurku gaaro meelo uusan hadda gaarin haddii isku socodka gobolada xayiraada laga qaado.
" Iyadoo laga taxadarayo in cudurka Covid-19 oo maraya marxalado kala duwan waddan ka gudihiisa in dib loogu soo celsho meelo uu ka yaraaday ama la geeyo meelo ilaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha " ayuu yidhi wasiir Oomaar
Wasiirka duulistu ma sheegin goorta la cayimay in dib loo furayo duulimaadyada hawada. Qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in dib loo furo sodonka bishaan.
Xayiraada duulimaadyada gudaha iyo dibada ayaa waxaa ka dhashay saameyn dhaqaale oo aad culus. Waxaa albaabada u laaban xafiisyadii duulimaadyada.