
newsinsideMadaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu kalfadhiga ka sheego mowqifka Puntland ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo gogasha madaxweyne Farmaajo uu dhigay Muqdisho, taasoo looga tashanayo doorashooyinka.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa horey u sheegay in wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ujeedada laga leeyahay ay tahay in Soomaaliya loo kala qeybiyo waqooyi iyo koonfur, taasina ay tahay sababta Puntland oo muran dhuleed uu kala dhaxeeyo Somaliland aan laga talo galin shirka.
Puntland waxay sheegtay, heshiiska oo dowladda Soomaaliya la gasho Somaliland in uusan socondoonin oo ay ka hor imaandoonaan.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]