4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2020
Dowladda Maraykanka oo soo dhoweysay shirka wada xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland
 

Axad, Juun 14, 2020 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, ayaa soo dhaweysay wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacaya Djibouti.

Safaaradda ayaa ammaantay hoggaanka Madaxweyne Maxamed C / llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxay sidoo kale u mahad celisay Madaxweyne Ismael Cumar Geelle oo marti geliyay kulan taariikhiga ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay taageerayso iskaashiga dadka Soomaaliyeed waxayna ku boorisay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan howlaha iyo dadaalada socda.

Safaaradda Maraykanka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay 20 sano kadib shirkii Carta, in ay tahay markii ugu horeysay oo ay Jabuuti martigeliso kulankaan taariikhiga ah oo kor loogu qaadayo dib uheshiisiinta Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]