4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 11, 2020
Soomaalida Ottawa oo codkooda ku biiriyay cambaaraynta dilkii goerge Floyd


Khamiis, Juun 11, 2020 (HOL) - Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa codkooda ku biiriyay cambaaraynta loogasoo horjeedo dilkii ay booliska Maraykanka u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa baraha bulshada ku baahay muuqaal mujinayay isga oo oronaya '' Ma neefsan karo'' waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.

Kulanka bulshada Soomaalida ku cambaaraynaysay dilka George Floyd oo ka dhacay agagaarka Masjid Salaama ee magaalada Ottawa, ayaa sidoo kale loogu hadalay wiil Somali-Canadian ah oo Booliiska  magaalada Ottawa ku dileen bishii July 24, sanadkii 2016.

Cabdiraxmaan Cabdi oo 37 jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal kadib markii Booliiska Ottawa ay u geysteen jirdil xoogan. Waxaa dilkiisa loo aaneeyay inuu salka ku hayo midab takoor iyo cunsuriyad.
 
Daniel Montsion oo ka tirsan Booliska magaalada Ottawa ayaa lagu soo oogay dacawad la xiriirta dilka Cabdiraxmaan Cabdi. Waxayna maxkamadiisa dib u bilaabandoontaa bisha July 6, 2020.
 
Ayada oo la tix-galinayo kala fogaansha la xiriira cudurka Covid-19, ayaa qayb kooban oo ka tirsan bulsha Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ka soo qayb galeen kulaankaas. Waxaase la rajeynayaa in dib loo kulmo si wadajir looga qayb qaato sidii caddaalad loogu heli lahaa dilkii loo geystay marxuum Cabdiraxmaan Cabdi.

Waxaa meesha lag akhriyay qudbado ku baxayay afar luuqadood ee kala ah, Soomaali, Carabi, English iyo Faransiis. Shaqsiyaadkii halkaas bayaanka ka aqriyey ayaa waxaa ka mid ahaa  Sheikh Cabiraxmaan Bashiir, Sheikh Cabdikariim Sugulle, Cabdiraxman Kaahin iyo Sheikh Muuse Faarax.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]