Arbaco, Luulyo 15, 2020 (HOL) - Waxaa dalka Kenya aas loogu sameeyay dhakhtarkii ugu horreeyay ee u dhintay xanuunka Covid-19, iyadoo munaasabadda aaska ah ay kasoo qeyb-galeen xubno kamid ah qoyska dhakhtaradda geeriyootay ee Doreen Adisa Lugaliki iyo saaxiibadeedii shaqada .
newsinsideDhakhtaraddan ayaa waxay ku dhimatay Ismaamulka Bungoma .
“Waxaan maanta aaseynaa Ubax aan ku il-doogsan jirnay iyo dhakhtarad qiima badan u laheyd bulshada” ayey tiri walaasheed oo la hadleysay dadkii aas-ka kasoo qeyb-galay.
Laba kamid ah kalkaaliyayaasha caafimaadka Kenya ayaa horay Coronavirus ugu geeriyooday.
“Waxay aheyd saaxiibad qalbi fiican, dad jecel , oo aad ugu shaqeysa bulshada, mana aheyn qof si fudud lagu halmaami karo” ayeey mar kale u sheegtay Sheila Lugaliki oo ah dhakhtaradda dhimatay walaashey dadkii aaska yimid.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa bilowgii bishaan sheegtay in baaritaan ay sameysay lagu ogaaday 186 kamid ah shaqaalaha caafimaadka baaritaan lagu sameeyay laga helay xanuunkan.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]