4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2020
Cutubyo katirsan ciidamada Danab oo gaaray magaalada Kismaayo
 

Talaado, December, 08, 2020 (HOL) - Cutubyo katirsan Ciidanka Kumandooska Danab ayaa gaaray magalaada Kismayo ee Jubbaland.

Ciiddamadan ayaa tababar Loogu soo gabagabeeyay Xerada tababarka ee Balidogle, waxayna qeyb ka noqon doonaan La dagaalanka Alshabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa ciidamadan tababartay, iyagoo muddo lagu carbinayay saldhigga Balidoogle.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa ciidamadan dhawaan tababarka usoo xiray.

Ciidamada la geeyay Kismaayo, ayaa ah kuwo ka madax bannaan siyaasadaha is diidan ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana waajibaadkoodu yahay la dagaalanka Alshabab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]