4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 6 , 2020
Dowladda Soomaaliya’’ Waa in la kala diraa guddiga ka hortagga burcad baddeeda

 

Axad, December, 06, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa golaha Ammaanka Qaramada midoobay u gudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga Burcad badeedka Soomaaliya, kadib markii aan saddaxdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diiwaan galin kiis afduub ee xeebaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedaxdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka, iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aan la araga isku day xataa.

“Seddexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diiwaan galin kiis afduub Burcad badeed taasi badelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in laga maarmo guddiga, isla markaana loo baahan yahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo Seychelles, waana sababta dowladda soomaaliya ay u doonayso in meesha la taagan yahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baalle.

Danjiraha Qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baalle waxaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo joojin lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah oo Maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan lahayd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay u qaadi lahayd.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo Maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha badeenna iyo sidoo kale inay muujiso awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda badda Soomaaliya gaar ahaa burcad badeedda iyo kuwa kale ee sharcidarrada ah.

Danjire Abuukar Baalle waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sadexdii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dowladda Soomaaliya ay golaha amaanka Qaramada midoobay ka sugayso in la kala diro taa badalkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada ilaalada xeebadaha dalka .

“Waxaan ku guulaysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray, waxaana taa badalkeeda doonaynaa inaan dib udhis ku samayno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeenna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baalle waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horaysa ay tahay in masuuliyadda ilaalinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq u leedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka ilaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbad  ka jeediyay golaha amaanka Qaramada Midoobay oo looga hadlayay cusboonaysiinta hishiiska sanad kasta lagu cusboonaysiiyo howl-galka guddiga .

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]