4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Dowladda Kenya oo sheegtay in madaxweynaha Somaliland uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya
 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muusa Biixi Cabdi ayaa galabta gaadhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka helay caasumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, ayaa si kooban u sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi uu Isniinta berito ah wadahadal la yeelan doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sheegtay in wada hadalku ahaandoono labo dal oo danahooda ka xaajoonaya.

Waa booqashadii labaad oo madaxweyne Somaliland ah ku tago Kenya, Daahir Riyaale Kaahin ayaa sidaas oo kale tagay sanadkii 2006.

Kenya ayaa Somaliland ku tilmaamtay saaxibo muhiim u ah gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Socdaalka Muuse Biixi uu ku tagay Nairobi ayaa kusoo aadaysa xilli uu meel xun gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]