4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Wasiirro iyo Xildhibaanno hore oo la sheegay in ay iska heystaan gaadiid dowladdu leedahay

 

Sabti, December, 12, 2020 (HOL) - Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu shaaciyay magacyada Wasiirro iyo Xildhibaanno hore oo la sheegay in ay ku maqan yihiin hanti dowladdu leedahay oo dhamaantood ah gaadiid u badan kuwa aysan rasaastu karin.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in baaritaanka uu xafiisku sameeyay si gaar ah diirrada loogu saarayay dhinaca gaadiidka, islamarkaana la ogaaday in Wasiirro iyo Xildhibaanno si sharci darro ah ku heystaan gaadiidkan ah hanti-dowladeed loogana baahan yahay in ay soo caliyaan

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay xafiiska hantidhowrka :

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]