4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Madaxweyne Laftagareen oo Wasiirro cusub magacaabay

 

Sabti, December, 12, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa xilalka ka qaaday qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirrada  isaga oo dhinaca kale magacaabay Wasiirro cusub.

Madaxweyne Laftagareen ayaa u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax in uu noqdo Wasiirka Dhalinyarrada iyo Cayaaraha.

Cali Maxamed Cali ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Wasaarradda Dekedaha, halka Cumar Axmed Aadan uu noqonayo Wasiirka Dastuurka.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in sababta sidan isbadalkan loo sameeyay tahay dardargalinta howlaha golaha fulinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]