4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Garowe
 

Jimco, December, 11 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Safarkaan oo qeyb ka ah safarro raysal wasaaruhu ku marayo caasimaddaha dowlad gobleedyada ayuu wuxuu ku saabsan yahay dardar galinta geeddi socodka doorashada iyo xallinta tabashooyinka laga muujinayo hannaanka doorashada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa shalay Garowe ugasii hormaray raysal wasaaraha, waxaana maanta magaalada Garowe laga dareemayaa soo dhowaynta raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha oo ay u noqonayso safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagayo Puntland, isagoo raysal wasaare ah, ayaa halkaas ku sugnaan doona muddo labo cishe ah, isagoo wada hadal la yeelandoono madaxda Puntland.

Puntland ayaa kamid ah maamulada aan weli dirin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo ka walaacsan qaabka hannaanka doorashadu ku socdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]