4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Maxkamada ciiddamada qalabka sida oo siidaysay taliyihii ciiddanka Danab
 

Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa Taliyihii Danab hadii, kadib markii lagu waayay dambiyadii loo haystay.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, ayaa u xirnaa dacwad uu ka gudbiyay taliska Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo ku eedeeyay  wax is daba Marin, isticmaalka awood dheeri ah iyo ku tagrifal hubka Alshabab laga soo furto.

Taliyaha ciiddanka xoogga, Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa bishii September ee sanadkaan shaqo joonin ku sameeyay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, iyadoo kadibna xabso guri uu ku ahaa Xarunta  Military-ga.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]