Hiiraan Online
1/8/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2020
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab
Arbaco, Agoosto 26, 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa fuliyey duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday hoggaamiye sare oo al-Shabaab ah oo ku sugnaa agagaarka Saakow.
“Waxaan la shaqeyneynaa la-hawlgalayaashayada Soomaaliyeed, waxaan sii wadaynaa daciifinta iyo sumcadda shabakadda al-Shabaab,” ayuu yiri Jeneraal Bradford Gering, kuxigeenka agaasimaha howlgalada.
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika wuxuu sheegay inuu hadda qiimeynayo inaysan jirin dad rayid ah oo dhaawacmay ama lagu dilay duqeyntaas.
Taliska Mareykanka wuxuu sheegay in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya. balse u baahan tahay dowladnimo adag iyo bixinta barnaamijyo dhaqaale iyo fursad oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed.
ciidamada Mareykanka ayaa gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya waxayna adeegsadaan habab badan oo wax ku ool ah oo ku habboon si ay gacan uga geystaan badbaadinta dadka Soomaaliyeed.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]