4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Gudoomiye ku xigeenkii degmada wanlaweyn oo caawa la dilay
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Sida ay sheegayaan warar aan ka helayno gobolka Shabeelada hoose, waxaa caawa degmada Wanlaweyn lagu dilay gudoomiye ku xigeenka degmadaas, Maxamed Cabdulaahi Cumar.

Wararku waxay sheegayaan in guddoomiye ku xigeenka Wanlaweyn lagu dilay weerar bombaano oo lagu qaaday xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dilkiisa, balse waxaa jira dad ku dhaawacmay weerarka gurigiisa ka dhacay.

Al-shabaab ayaa horey degmadaas ugu dishay masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Balse, bishii may ee sanadkaan, ciidamada xoogga dalka, ayaa qaarajiyay madaxii canshuuraha Al-shabaab ee degmada Wanlaweyn iyo koox ilaaladiisa ahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]