4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Qarax loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir. Waxayna wararku sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah .

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu dhuftay iridda hore ee Hotel-ka Elite ee ku yaalla dacalka xeebto Liido.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa laga maqlay badi xaafadaha Muqdisho . ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay laamaha ammaanka ee Dowladda.

Wixii kusoo kordha qaraxan ka dhacay Muqdisho kala soco hadduu Alle Idmo Hiiraan Online.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]