4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Madaxweynayaashii hore, Xisbiyada Mucaaradka iyo Siyaasiyiin shir ku leh Muqdisho

 

Axad, September, 22, 2019 (HO)-Magaalada Muqdisho waxaa xiligan ku shirsan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin, kuwaa oo ka wada hadlaya dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee siyaasadeed iyo xannibaada dowladda ee Kismaayo

Kulanka oo ah mid albaabadu u xiran yihiin ayaa intiisa badan lagu waramayaa in looga wada hadlayo dhacdadii  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee lagu xanibay diyaarad u qaadi laheyd Sheekh Shariif magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in kulanka looga hadlayo arrimo la xiriira xaalada dalka uu marayo, waxaana muuqata in tallaabadii saakay lagu xanibay  diyaaraddii Sheekh Shariif abuurtay xiisad siyaasadeed oo cusub.

Marka laga soo tago kulanka dhinacyada mucaaradka dowladda laftirkeeda ayaa wada daaal arintan la doonayo in la qaboojiyo, iyadoo Wasiirka Amniga uu gurigiisa ugu tagay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaana warar hoose sheegayaan Shariif Sheekh Axmed uu dalbaday in dowladdu raaali-galin ka bixiso tallaabadii ay uga joojisay in uu u dhoofo magaalada Kismaayo.

Wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]