4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa qaboojinta xiisada ka dhalatay xannibaadii Shariif Sheekh Axmed

 

Axmed, September, 22, 2019 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaleysa in ay qaboojiso xiisada ka dhalatay xannibaad maanta lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo tagi lahaa magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xubno uu horkacayo Wasiirka Amniga u dirtay guriga uu magaalada Muqdisho ka daggan yahay Shariif Sheekh Axmed kuwaa u muuqda in ay raali galin ka bixinayaan is hortaaggii lagu sameeyay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in xiliggan uu kulan u soconayo xubnaha uu horkacayo Wasiirka iyo Shariif Sheekh Axmed iyaga oo ka wada hadlaya dhacdadii Garoonka diyaaradaha.

Talaabadan ay qaaday dowladda ayaa u muuqata mid lagu yareynayo culeysyada durba ka dhashay xayiraadii lagu sameeyay Sheekh Shariif iyo dhaq dhaqaaqyada bilowday.

Arrintan ayaa waxaa siweyn u cambaareeyay  Madaxweynihii hore ee Sooamaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ku eedeeyay dowladda in ay koontaroolka hawadda u isticmaaleyso hub siyaasadeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa safarkiisa Kismaayo qorsuhu ahaa in uu ka qeybgalo munaasabada calleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe) oo dib  doorashadiisa dowladda federaalku u aragto sharci darro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]