4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay weerar saakay lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen Awdheegle

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilaawday oo subaxnimadii hore ee saakay xoogga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan degmada Awdheegle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladda sida uu hadalka u dhiggay iska difaaceen weerarka uga yimid Ururka Al-shabaab.

''Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka hortagay kooxda weerarka ku soo qaaday deegaanka Ceel Saliini ee degmada Awdheegle  ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan  ayeey Goobjoogayaal ku sugan deegaanka sheegeen in uu ahaa mid markiisii hore ku bilaawday gaari  laga soo buuxiyay wax-yaabaha qarxa, islamarkaana ay Al-Shabaab la  beegsadeen Saldhiga Ciidamada.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay weerarkaasi ay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ugu geysteen ciidamadii ku sugnaa saldhigga

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay  sheegeen inay weerarkasi iska difaaceen, islamarkaana ay khasaaro ku  gaarsiiyeen Al-shabaab.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah halka ugu badan oo ay ka dhacaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana lagu sheegaan in gobolkaasi yahay halka ay ugu xoogga badan yihiin xoogga Al-shabaab oo saldhigyo waaweyn ku leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]