Gudoomiye Ciro oo cisbitaalka ku booqday Fanaanad Maryan Mursal
Axad, September, 22, 2019 (HOL )– Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuun ku soo booday.
Fanaanada Maryal Mursal oo la
socota diyaaradii ay Hargeysa ku imanayey ayaa diyaaradda dhexdeedii ku
xanuunsatay ka dib markii faalug sanifay, taas oo sababtay in Xinjir fadhiisato
Madaxa, inkastoo dhakhaatiirtii socodsiiyeen Xinjirtii dhiiga ahayd oo ay hadda
xaaladeedda caafimaad fiican tahay.
“Anigoo ku soo socda Hargeysa oo
diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taas oo
dadkii la socday diyaaradii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay
cisbitaalkan, hadda waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa balse
lugtii baa wali sideedii ku soo noqon oo culays I ah”ayey tidhi Maryan Mursal
oo ka hadlaysa xaaladeeda caafimaad.
Sidoo kale, waxa saaka booqday
gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi
(Cirro) oo uu wehelinayo afhayeenka
xisbiga Barkhad Jaamac Batuun.
Fanaanadda Maryan Mursal ayaa u
mahad celisay booqashada gudoomiyaha waxayna sheegtay inuu yahay masuulkii ugu
horeeyey ee madaxda Somaliland ka tirsan ee cisbitaalka igu soo booqda.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.