4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynayaasha Saddax Maamul Gobolleed iyo Duqa Muqdisho

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha iyo Mas'uuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in  wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta  kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan  yihiin gobolada dalka.

Dhammaan Madaxda Qaranka ee kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guud ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]