4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2019
Ciidamada AMISOM oo isaga baxay saldhigyo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan

 

Axad, September, 22, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiran ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM banneeyeen saldhigyo ay ka deganaayeen degmada.

Mire Xusseen Siyaad oo ka mid ah mas'uuliyiinta Amniga ee degmada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhamaan saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Amaanka degmada Jalalaqsi ayaa intaa ku daray in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta Ciidamada Jabuuti ay u baneeyeen  Saldhigyadoodii degmada Jalalaqsi,

Goobaha ay banneeyeen ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin  Buuntada kala qeybisa degmada iyo Saldhigyo kale, waxaana goobahaa hadda ku sugan ciidamada Amaanka ee dowladda Soomaaliya

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Jabuuti oo marka laga soo tago degmada Beledweyne saldhigyo waaweyn ku lahaa degmada Jalalaqsi. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]