4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2019
Soo dhaweyn loo sameeyay ku dhawaad 1000 Ardey ah oo ku biirtay Jaamacadda Banaadir


Sabti, September, 21, 2019 (HOL)- Munaasabad  soo dhaweyn ah ayaa loogu sameeyay xarunta Jaamacadda Banaadir ku dhawaad Kun Ardey ah oo ku biirtay sanadkan Jaamacadda, kuwaa oo dhawaan Imtixaan u galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda. 

Gudoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Biday oo Munaasabadaas ka hadlay ayaa ardayda cusub uga mahad celiyey doorashada ay doorteen jaamacada Banaadir qeybaheeda kala duwan.

“Waxaa farxad inoo ah inaan maanta xaflad soo dhoweyn ah u sameyno boqolaal arday oo ka mid noqonaya ardayda cusub ee Jaamacadda Banaadir sanad dugsiyeedka 2019-2020” ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in jaamacada Banaadir lagu bilaabay hal kuliyad sanadkii 2002-dii taasoo ardaydii ugu horeysay ee loo qaatay ay ahaayeen 26 arday, isagoo sheegay in dedaal dheer ka dib ay haatan jaamacadu gaartay heer wanaagsan oo xitaa aqoonyahanadii aasaasay aysan fileynin.

Dr. Biday ayaa ardayda cusub ee Jaamacada Banaadir ku soo biiray faahfaahin ka siiyey marxaladihii ay soo martay Jaamacada iyo guulihii ay ku talaabsatay, isagoo xusay in mudadii ay jirtay ay ka qelin jebiyeen arday kumanaan gaareysa oo bartay culuunta kala duwan ee laga bixiyo Kuliyadaha jaamacada, kuwaasoo maanta ka shaqeeya ayuu yiri heyadaha kala duwan ee dalka, halka qaarkoodna ay waxbarasho sare u doonteen dibeda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay jaamacada ka qelin jebin doonaan arday fara badan oo wax ka barta kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada, isagoo xusay in Jaamacadu ay sii kordhin doonto dedaalkeeda ku aadan kor u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Muasasada Tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna u balan qaaday ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda iney heli doonaan tacliin tayo sare leh iyo soo dhoweyn wanaagsan isagoo dhinaca kale kula dardaarmay iney ilaaliyaan nidaamka iyo shuruudaha loogu talo galay in lagu Maamulo ardayda Jaamacada.

“Jaamacada waxay degan tahay dhowr kambas labo ka mid ah oo uu ku jiro Kambaskan cusub ayeyna Milkiyad u leedahay, ma jirto cid ka taageertay oo aan ALLE aheyn marka laga reebo oo ardayda oo dakhliga yar ee ka soo xerooda wax looga tashiilay” ayuu intaa ku daray Dr. Bushkuleeti.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka saree ee Baarlamanka, kana mid ah aasaasayaasha iyo masuuliyiinta Jaamacada Benaadir ayaa khudbad uu munaasabada ka jeediyey ardayda cusub ku bogaadiyey hamiga ay u qabaan waxbarashada wuxuuna iyaga iyo waalidiintooda uga mahad celiyey doorashada ay doorteen iney wax ka bartaan Jaamacada Banaadir.

“Sadar muuqda su’aal ka dhan, Jaamacadda Benaadir waa Jaamacad laga aqoonsan yahay caalamka, waxaana taas u daliil ah ardaydii ka baxday maanta Jaamacadaha waaweyn ee caalamka ayey taqasusyo ku diyaariyaan, waxaana ardayda cusub leeyahay waxaad heysataan Jaamacad shahaadada aad ka qaadataan ay noqon doonto mid aad u aayi doontaan” ayuu Dr. Dufle oo ardayda cusub ugu baaqay iney ku dedaalaan barashada aqoonta ay jaamacadu bixin doonto si ay mustaqbal wanaagsan u hiigsadaan.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaas hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo baraarujin ah ka soo jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Banaadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar, Macallimiin ka socotay Jaamacadda caalamiga ah Afrika oo ku taalla dalka Sudan, Prof. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka tirsan Aasaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada iyo iyo xubno kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]