4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Wasiir ku-xigeenkii Xannaanada Xoolaha Dowladda federaalka Soomaaliya oo is casilay

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)- Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xannanada Xoolaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in sababta uu tallaabadan u qaaday tahay kaddib markii uu u adkeysan waayay fara-galinta dowladda federaalka ay ku heyso dowlad gobolleedka Galmudug.

Wuxuu sheegay Wasiir ku-xigeenka ayaa in dowladda federaalka fara-galin toos ah ku heyso dowlad gobolleedka Galmudug iyo dib u qaban qaabinta Galmudug loo dhan yahay arintaa oo keeni karta dib u dhac Siyaasadeed, Dhaqaale, Amni iyo hormarineed.

Xildhibaan Dhalac ayaa ugu baaqay xukuumadda federaalka in ay fara-galinta ka deyso guud ahaan dowlad gobolleedka, gaar ahaan Galmudug oo la doonayo in mar kale dib loo yagleelo.

‘’Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala iyo guud ahaanba nidaamka federaalka ee lagu heshiiyay, fara-galintana ka deyso dowlad gobolleedka’’ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Iscasilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Dhuusa-Mareeb ku soo xiray shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha wada dega deegaannada Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]