Al-shabaab iyo xoolo dhaqato ku dagaalamay degmada Xudur
Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogag ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dad xoolaley ah ku dhex-maray deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab bilaabeen in ay dadka xoola dhaqatada ah ka qaadaan Xoolo Al-shabaab ay ku sheegeen Zako taasoo ay diideen dadka xoola dhaqatada ah in ay dhiibaan.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka yab-yab oo hoostaga
degmada xuddur ee gobolka bakool,waxaana la sheegay in ay ku
geeriyoodeen 4 ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac
ah.
Mid ka mid dadka deegaanka oo dagaalka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in
Ciidamada Dowladda ay garab ka heleen, islamarkaana ay iska difaaceen Al-Shabaab oo doonayay inay Xoolo kale ka kaxeystaan.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay beegsanayaan dad gaar ah, kadib
markii ay soo baxeen dad is abaabulay oo la magac baxay Cali Qaran ay
bilaabeen inay la-dagaalamaan.
Si kastaba dagaalkaan Al-Shabaab iyo dad xoolo Dhaqato ah ku
dhexmaray deegaano hoostaga degmada xudur ee Gobolka Bakool ayaan weli
dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]