4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2019
Dowladda Soomaliya iyo Beesha caalamka oo kordhinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Jimco, September, 20, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soconayo qorsho ku aadan sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, islamarkaana wadatashiyo lagala yeelanayo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Warkan ayaa ka soo baxay kulan uu  magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, madax ka tirsan  maamul goboleedyada iyo xubno ka socda Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa  daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Maxamed ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii xubnaha  Beesha Caalamka ay taageero weyn u siin lahaayeen Ciidamada Qalabka sida  ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in madax uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Wakiilada Beesha Caalamka ay isla garteen in la kordhiyo  dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana howlgallo laga sameeyo deegaannada ay ku sugan yihiin.

Inkastoo dowladda federaalka dagaal xoogan kula jirto Al-shabaab haddana marka aad dhinaca kale eegto xoogagga Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan deegaannada Labada Shabeelle oo toddobaadkii tagay ay ku dileen ilaa 12 askari oo ka tirsan AMISOM. 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]