4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2019
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday mid kamid ah raggii fuliyay dilkii Sheikh Cabdiweli Cali Cilmi

Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida, ayaa saakay xukun dil ah ku riday Cabdulaahi Cali Maxamed, oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii lagu dilay Sheikh Cabdiweli Cilmi Yare oo ahaa wadaad caan ka ah magaalada Gaalkacyo.

Cabdulaahi, oo magaciisa afgarashada ah loo yaqaano Maxamed, ayaa nolasha lagu qabtay, kadib markii lasoo afjaray weerarkaas oo dhacay taariikhdu markay ahayd 26-kii bishii 11-aad sanadkii 2018.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay maxkamadu inay u caddaatay in ninkani yahay dambiile Shabaab ah, waxayna maxkamadu ku xukuntay xukun dil ah.


Cabdulaahi Cali Maxamed, ayaa Alshabab ku biiray sanadkii 2014, wuxuuna kasoo jeeda degmada Qansax dheere oo katirsan gobolka Bay.

Wuxuu qirtay inuu ka dambeeyay dilka  askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka oo kamid ahaa ciidankii usoo gurmaday weerarkii lagu qaaday Sheikh Cabdiweli Cali Cilmi Yare.

Hiiraan Online