4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Kulan Xasaasi ah oo maanta Muqdisho ku dhaxmaraya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah uu ku dhaxmaro madaxweynaha dowladda Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada ka soconayay kulamo is daba joog ah oo loogu gogol xaarayay kulanka maanta ka dhacaya madaxtooyada Soomaaliya oo noqonaya kii ugu horeeyay oo ay isku soo hor fariistaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta ugu tunka weyn mucaaradka oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Qoddobada ugu muhiimsan ee kulanka maanta ayaa noqonaya guud ahaan xaalada siyaasaddeed ee dalka, sida lagu wajahayo doorashada 2020-2021 la filayo in ay dalka ka dhacdo iyo waliba dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn xalinta khilaafka xooggan ee labada dhinac oo gaaray in warbaahinta leysku mariyo hadallo hanjabaad ah oo uga sii daran marka la eego xaalada murugsan ee guud ahaan marka la eego siyaasadda Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka ka sugayaan Dowladda Federaalka in ay  garawshiyo ka bixiso  xanibaadii todobaadkii hore saartay diyaaraddii siday Madaxweynayaashii  hore, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Beledweyne,.

Xannibadaas ayaa keentay caro siyaasadeed  iyo hadal kulul oo ka soo yeeray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Sheekh Shariif oo ugu dhaartay dowladda in haddii aysan joojin  xadgudubka ay dalka ka bixinayaan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo laftirkiisa dhawaan khudbad ka jeedinayay magaalada Nairobi ayaa ku tilmaamay siyaasiyiinta mucaaradka kuwo xanaaqsan oo xil doon ah.

Balse kulanka maanta ayaa la filayaa in dhamaanba arrimahaa lagu xaliyyo iyadoo ugu danbeyntii laga soo saari doono war-murtiyeed lagu faah faahinayo qoddabada ay ku heshiiyeen labada dhinac. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]