4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Duqeyn ka dhacday Kuunyo Barroow iyo Al-shabaab oo beenisay in xubno looga dilay

 

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarrkan ayeey sheegtay dowladda Soomaaliya in ay qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda Mareykanka laguna beegsaday saldhigyo ay degenaayeen Ururka Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa weerar ay soo saareen waxaa ay ku beeniyeen in duqeynta Kuunyo-Barroow looga dilay xubno ka tirsan dagaalyahannadooda, balse taa badalkeeda Al-shabaab dileen qof rayid ah.

Qofka rayidka ah ayeey ku sheegeen Al-shabaab in uu ahaa ganacsade magaciisa ay ku soo koobeen Ismaaciil.

Dowladda Soomaaliya ayaa laakiin dhankeeda sheegtay in duqeyntaasi waxba ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Maraykanka ayaa sannadkan Soomaaliya ka gaystay ku dhowaad 60 duqaymood kuwaasi oo lala kala beegsaday ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]