4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Guddida dhexdhexaad ah oo isku xil qaantay isku soo dhoweynta xisbiga WADDANI iyo Madaxweyne Biixi

 


Talaado, November 19, 2019 (HOL )– Ergooyin kala duwan oo ay horkacayaan madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland soo maray ayaa kulamo la yeeshay xisbiyada mucaaradka si loo soo afjaro khilaafka xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka soo kala dhexgallay.

Ergooyinkan ayaa kulankii ugu horeeyey la yeeshay hogaanka labada xisbi ee WADDANI iyo UCID, waxaanay isla qaateen in la joojiyo isku soo baxyadii xisbiga WADADNI ku baaqay taas oo ay aqballeen.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ergooyinkiii ka socday madaxweyne ku xigeenadii hore, Akadamiga Nabadda iyo ururada bulshaddu la kulmeen labadda xisbi, isla markaana usoo jeediyeen in la joojiyo isku soo baxyada,islamarkaana guddidan is xil qaantay la kulmi doonaan wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, waxa uu gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe sheegay inay khalad ahayd in la xidho masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo in laga joojiyo kulankii uu xafiiskiisa kula kulmayey taageerayaashiisa.

“gudidi dhexdhexaadka ahayd ee iskugu jirtay madaxweyne ku xigeenadii hore, Akadamiga Nabadda iyo ururada bulshadda way la kulmeen labada xisbi, waxaana la isku afgartay in isku soo baxa la joojiyo, waxaana lala kulmi doonnaa madaxweyna insha alla”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

“Qadiyadan komishanka ka taagan arrin khuseeya labada mucaarad oo kaliaya maah ee wa arin qaran oo u baahan in qaranka oo dhami difaaco dastuurka, shaydaan baa inaga soo kala dhexgallay Waan u tagnay wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu u tagnay xisbiga WADANI inay joojiyaan isku soo baxyadii iyo in dawladu sii dayso masuuliyiintii laga xidhxidhay xisbigu way naga ogolaadeen ergadii, madaxwenaha jin iyo jaanba waynu iskugu tagi doonaa oo waxanu adeegsan doonaa burhaantaanu kicinaynaa insha alla wuu naga aqbali doonnaa.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, isku soo baxyo ayaa ka kala dhacay Burco iyo Ceerigaabo, taas oo lagu taageerayo hadalkii gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo in xubnaha muranka abuurey laga saaro guddida doorashooyinka,, waxaanay u dhaceen si salmi ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.