4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Norway oo kaalmadii dhaqaale ka joojisay masaajid Soomaalidu ku heshiin weyday maamulkiisa

Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa si ku-meelgaar ah u joojisay kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay masaajidka ugu weyn dalkaas ee Towfiiq kadib markii Soomaalidii gacanta ku haysay ku heshiin waayeen.

Khilaafkaan oo dhowr sano soo jiitamayay ayaa cirka isku shareeray maalintii axada, ka gadaal markii roondada booliisku ay kusoo baxeen sababa la xiriira inay dhibaato ka dhacday masaajidka ku yaal Oslo.

Warbixin kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa lagu sheegay inay jiraan labo maamul oo kala duwan, oo mid walbaa gaarkiisa u sheeganayo inuu yahay maamulka saxda ah ee masaajidka Towfiiq.

"Kaalmada dawladda ee masaajidka ugu weyn ee Norwey ayaan si ku-meelgaar ah ujoojiney khilaaf awgeed. Waxa jira laba loox oo ay labaduba sheeganayaan inay matalaan masaajidka, ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka."

Dowladda Norway waxay sheegtay inay sugayso illaa inta xal laga gaarayo khilaafka maamulka masjidka. Waxay kaloo caddeysay inay u baahan tahay inay ogaato cida ay taageerada siineyso inay yihiin kuwo dhab ahaan u matalaya bulshada diinta.

Masjidkaan ayaa labadii sanaba mar la qabtaa doorasho loogu tartamayo cida haynaysa maamulka, laakiin doorashadii ugu dambeysa ayuu ka dhashay muran gaarsiiyay heerka uu hadda marayo.

Hiiraan Online.