Puntland oo ka hadashay dilkii Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug
Talaado, November, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha
Gobolka Mudug ee Dowladda Gobolleedka
Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta
u sheegay in labo dhalinyaro ah ka danbeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu
geystay Taliyihii Sirdoonka iyo Nabad-sugida gobolka Mudug Col Xaanshi Aadan
Cilmi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in
labadan ruux markii ay dilka fuliyeen kaddib ay baacsadeen rag dhalinyaro ah oo
la shaqeeya maamulka, laakiin nasiib darro mid ka mid ah dhalinyaradii
baacsatay la dhaawacay.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka Gaalkacyo aan ka
heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka Puntland ay wadaan
howlgallo kala duwan oo saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey
dilkaas.
Taliyaha ayaa la dilay xilli uu ku
sugnaa xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga
Gaalkacyo,waxana dilka taliyaha ka hadlay maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.
Gaalkacyo waxaa sidan oo kale dhowr jeer oo hore lagu dilay saraakiil ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland waxaa inta badan dilalka noocan ah sheegtay kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]