Maxkamada Sare ee dalka oo bilaawday dhageysiga dacwad u dhaxeysa Dowladda iyo Xisbiga Himilo Qaran
Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Xarunta Maxkamada Sare ee dalka waxaa maanta markii ugu horeysay ka bilaawday dacwad ka dhan ah dowladda dhexe ee Federaalka taasoo horay uu Maxkamada ugu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyaha yahay Shariif Sheekh Axmed.
Dacwada ayaa Xisbiga Himilo Qaran waxaa ay ka gudbiyeen Dowladda Dhexe 6-dii Bishii Octoober ee Sanadkaan 2019, kadib markii Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed,xilli uu ku wajahnaa Kismaayo,wallow
markii dambe la fasaxay.
Halka ay dacwadoo ka bilaabatay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed,Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran.
Guddooomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay in dacwada ay usoo gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran ay si cadaalad ah u qaadi doonaan,isla markaana wax faragelin ah uga imaaneyn laanta fulinta ee xukuumadda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]