Puntland oo sheegtay oo gabi ahaanba la soo afjaray xiisadii ka taagneyd Boosaaso
Axad, November, 17, 2019 (HOL)- Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Puntland oo warbaahinta la hadlay
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in gabi ahaanba la soo afjaray
xiisadii sababatay gacan ka hadalka ee magaalada Boosaaso.
Wasiirka oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay
ciidamadii Daraawiishta ee gadoodka ka sameeyay magaalada Boosaaso, ayaa
sheegay in markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidamo kale oo Booliiska ahaa oo ku sugnaa
magaalada, waxaana isku dhacaa labada dhinac ka dhashay khasaaare kala duwan.
Bale waxaa uu sheegay Wasiirka in ugu danbeyntii
mas’uuliyiinta Puntland iyo Isimada gobolka oo iskaashanaya ku guulaysteen in
xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidamada gadoodka sameeyay,
islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka
iyo culimaa’uddiinka magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay door aad muhiima ka
qaatay xal u helidda tabashooyinkii sababay in ay gadood sameeyaan ciidanka.
Dagaalka Boosaaso ayaa walaac daran ku abuuray
bulshada ku dhaqan gobolka guud ahaan, iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba xaalka
siyaasadeed ee dowlad gobolleedku ahaa mid cakiran.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]