4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo madaxda AMISOM oo ka wada-hadal xoojinta dagaalka al-Shabaab

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) -  Wasiirka gaashandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) ayaa xarunta ugu weyne AMISOM ee magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ,iyadoo ay kulanka ku waheliyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaashandhigga.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada sahqeynta ka dhexeysa, iyadoo la isla soo qaaday jaangoynta howlgalka ka dhanka ah Shabaab oo khatar muuqata ku ah amaanka guud ee dalkan.

Wasiirka gaadhandhigga iyo madaxda howlgalka AMISOM ayaa isla qaatay sidii loo billaabi lahaa howlgallo aan kala joogsi leheyn oo lagu tagayo deegaannada Shabaab ay ku xooggan yihiin, ujeedka howlgalkanna yahay sidii go’doonka looga qaadi lahaa magaalooyinka Shabaab ay xanibaada saareen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa fadhiga oo dhacay Talaadadii shalay ka sheegay iney xukuumada Soomaaliya oo uu isaga wakiil ka yahay diyaar u tahay dhaqan gelinta dhammaan qodobada ay isla meel dhigeen ninka ugu sareeya howlgalka AMISOM.

Ambassador Francisco Madeira, ayaa dhankiisa qiray in Ciidammada Soomaalida guulo waaweyn ay kaligood gaareen, wuxuuna si gaar ah u soo qaatay qabashada deegaanada Bariire iyo Sabiid ee gobolka Shabeellaha hoose.

"Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato mas’uuliyadda Sugidda amnigeeda, waxa aad aragteen Sabiid oo ay Soomaalida qabteen, waxaa sidoo kale aragteen Bariire oo ay hadda hayaan ciidammada Xoogga Soomaaliya iyo meelo kale oo lamid ah, si wadajir ah ayaan usii wadi doonaa, waxa aan u gacan gelin doonaa ciidamada Soomaalida howlgalada qaarkood, Ciidanka AMISOM waa ay u madax banaaneen doonaan, sidoo kale waxa aan u gacan gelineynaa sidii ay u qaadi lahaayeen howlgalo ciidamada Soomaaliya." ayuu sheegay Ambassador Madeira.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]