4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Madaxweyne Waare : Waxbarashada Hirshabeelle mas'uuliyadeeda maanta laga bilaabo Hirshabeelle ayaa iska leh

 

Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Madaxeynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasaarradda Waxbarashada Soomaaliya.

Isaga oo meel fagaaro ah kula hadlayay Boqolaal ardeyda  ah oo dibadbax ka dhigayay magaalada Jowhar ayuu ku amray dhamaanba kormeerayaasha Wasaarradda Waxbarashada ka socda ee  ku sugan deegaannada Hirshabeelle in ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen sida uu hadalka u dhigay.

''Waxaan leeyahay mas'uuliyiinta Wasaarradda Waxbarashada ee ku sugan deegaannada Hirshabeelle bilaahi caleykum, waad fashilinteen ee dib ugu laabta halkii aad ka timaadeen, Amnigiina iyo joogitaankiina dhibaato ayuu nagu yahay, waxaana rabnaa in aan maanta idin cadeeyo wixii xiligan ka danbeeya waxbarashada deegaannada Hirshabeelle waxaa mas'uul ka ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle'' ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado.

''Waxaa wax lala yaabo ah in ilaa iyo hadda aysan jirin cid arintan lagu ciqaabay si ay u qancaan ardeyda iyo waalidiinta Soomaaliyeed, sidaa daraadeed waxaan leeyahay Wasaarraddu wey ku fashilantay qaadistii Imtixaanka dowladda'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa imanaya  xilli  ardeydu  maanta dibadbaxyo ka dhigeen  qeybo ka mid ah dalka oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]