4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Madaxweynaha Puntland oo si faahfaahsan uga hadlay sababtii ka dambeysay shirkii Garoowe inuu natiijo la'aan ku dhammaado

Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii Iskaashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedyada oo natiijo la'aan ku dhammaaday.

Siciid Deni, ayaa labo qodob ku sheegay inay sabab u noqdeen shirkaa oo muddo toddobaad ku dhow qaatay inuu ku soo dhammaato iyadoon wax natiijo ah la gaarin, isagoo arrinta ka hadlay wuxuu yiri;

" Labo arrin oo saldhigooddu yahay ; In habkii lagu shaqeyn lahaa aan la isku afgaran oo u baahnaa waqti - golaha iskaashiga dowladda dhexe waxay ka muujisay inay u baahantahay go'aan ay ka soo gaarto habka wada-shaqeyntaas , dowladaha xubnaha ka ahna waxay u arkayeen habka kaliya ee suragalka ah ee wada-shaqeynta"

"Qodobka labaad, qodobka ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha ku saabsan khayraadka in dib loo soo celiyo , arrintaas dowladda runtii way ka gaabsatay oo kuma aysan qancin inay soo celiso , waxaad ogtihiin biilka hadda la gudbiyay ee ku saabsan doorashooyinka waxaa ku jira qodobbo saameyn ku yeellanaya mabaa'diidda aasaasiga ah ee dastuurka , habka ay dowladda Soomaaliya u shaqeyn doonto , saameyn ku yeelan doona habka cod bixiyeyaasha, saameyn ku yeelan doona xubnaha Baarlamaanka iyo meelaha ay ka soo geli doonaan, arrimaha oo dhan waa arrimo lagu kala duwanyahay oo u baahan in lala-faguro oo la isku qaato, runtii arrintaas dowladda uma aysan hirgelin inay ku qanacdo inay soo celiso .. inkasto ay ka garowday inay ahayd in laga wada-tashado .. Waxaayabah sii dheer oo runtii inta uu shirka socday, gaar ahaanna aniga igu riday kalsooni darrada waxaa ka mid ah in iyadoo sidaas tahay haddana la gudbiyo sharci kale  oo la yiraahdo sharciga canshuuraha oo ah meelaha ugu adag nidaamka federaaleynta , sharciyada canshuuraha waxaad ogtihiin heerarkooda kala duwan-ba qaada".

Madaxweynaha Puntland, waxaa kalo uu sheegay in lagu dheeraaday ka hadalka arrinta Galmudug iyo khilaafka dowladda federaalka, qodobkaana ma noqon mid sidii ku habbooneyd ku dhammaaday, sida uu sheegay - wuxuu marka baaq u diray dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

"Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen." ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni  ayaa sheegay inuu fashilmo Imtixaanki dowladda Federaalka qaadeysay uu ahaa arrin ay horay uga digeen, waxaa uu xusay in Puntland ay aheyd in Imtixaanka dalka oo dhan qaado, maaddama ay leedahay khibrad 20 sanno ah. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

“Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa'iidaysanay in wada shaqeyn lahelo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale".

Gabagabadii, wuxuu sheegay inay muhiimtahay in la wada-hadlo oo marka hore la isla meel dhigo arrimaha isku-firkirka laga yahay, wuxuu marka ballanqaaday inay sii wadi doonaan wada-hadal in wax walba lagu dhammeeyo, si buu yiri loo wanaajito mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]