4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2019
Wariye lagu xidhay Laascaanood isagoo dhaawac ah

 

Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Ciidamada booliska ayaa qabtay Cabdi Keyse Tungub oo gobolka Sool uga wakiil ahaa TVga Bulsho fiidnimadii caawa sida ay HOL u sheegeen dhalinyaro ay wada socdeen.

Weriye Cabdi Keyse ayaa dhaawac soo gaadhey xiliga la qabanayey sida uu C/raxmaan Cali Ducaale wakiilka ururka SOLJA ee gobolka Sool uu noo sheegay "ma arag oo waa lay diidey in aan arko balse waxa laysheegay in lugta dhaawac kaga yaalo ay sababtay xabad lagu ridey markii la qabanayey"

Xadhiga weriyahan oo aan isku daynay inaan wax ka weydiino masuuliyiinta gobolka waa noo suuroobi weydey.

Weriyahan ayaa markii labaad ah oo la xidho sanadkan iyadoo bishii Febrayo la xidhiy maalin kadibna wadahadal bahda saxaafadu ka shaqaysay lagu sii daayey.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool