4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Wasiir Goodax : Waxaan hakinay Imtixaankii dowladda ee maalmahan socday

 

Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in hakad galiyay Imtixaankii dowladda ee Saddexdii cisho ee la soo dhaafay ka socday guud ahaanba dalka Soomaaliya, kaddib markii la helay qeyb ka mid ah qishka Maadooyinka Imtixaanka lagu galayo.

Maalmihii ugu danbeeyayba baraha bulshada waxaa lagu arkay qeybo ka mid ah maadooyinka lagu keenay sanadkan Imtixaanka dowladda gaar ahaan Carbiga iyo Xisaabta oo loo gacan galiyay qaar ka mid ah ardeyda, taasoo keentay in Wasaarradu go’aankaa qaadato.

‘’ Wasaarradu markii ay latashatay inta bah-wadaaga waxbarashada la ah, waxaa noo soo baxday in aynu joojino Imtixaankii socday ee dowladda, kaddib markii la bax-shay ama la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii Imtixaanka lagu keenay’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay Wasiirka in labadii cisho ee la soo dhaafay Imtixaankii ay ardeydu galleen laga soo qaadayo waxba kama jiraan ‘’ Waxaa go’aan lagu gaaray in Imtixaankii dhamaantiis la baaba’sho oo dib loo qaado, waxaa uu dib bilaabanayaa haddii uu alle idmo 27ka bishan isaga oo socon doona ilaa 31ka, waxaa ay wasaarradu ku talagashay markan in si ka adag sidii loo hore loo qaado Imtixaanka, islamarkaana intaa uu socdo dalku uusan ka jiri doonin isticmaalka baraha bulshada’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay in saddexdii cisho ee la soo dhaafay Lixdii Maado oo la qaaday dhamaantood lagu arkay iyaga oo suuqa yaalla, sidaa daraadeed ayuu sheegay in aan waxba laga soo qaadi doonin Maadooyinkii ay ardeydu Imtixaanka ku galleen saddexdaa cisho ee la soo dhaafay.

‘’Waxaa wax laga xumaado ah in ay jiraan dad iyada oo waliba lagu jiro bisha Ramadaan ka ganacsanaya Imtixaanka, arintan xitaa waxaa ku lug leh Waalidiin, sidaa daraadeed ma aqbaleyno in ardey dadaalay uu soo garab fariisto mid kale oo Imtixaankii gacanta ku sita’’ ayuu yiri Wasiir Goodax.

Waa markii ugu horeysay tan markii uu soo bilaawday Imtixaanka dowladda in ay dibada u soo baxaan qishka  Maadooyinka lagu keenay Imtixaanka, waxaana arintaa lagu tilmaamay in ay tahay dayacaad ka timid dhinaca Wasaarradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]