Hiiraan Online
5/1/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Dowlad-gobolleedyada oo ka soo horjeestay xeerka canshuuraha dalka
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Wasiirrada maaliyadda ee dowlad-gobolleedyada dalka ayaa qaadacay xeerka canshuuraha ee Sabtidii ay wasaaradda maaliyadda federaalka u gudbisay golaha shacabka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay shir ay Garoowe ku yeesheen wasiirrada maaliyadda maamul-gobolleedyada ayaa lagu sheegay in dhacdo cusub ay ku tahay in Wasiirka Maaliyadda uu xeerka canshuuraha dalka horgeyo golaha shacabka,isagoo aan la tashi kala sameeyn.
"Xeerkan uu wasiirku afduubay wuxuu si buuxda uga hor-imaanaya dastuurka maamullada iyo hab-fulinta xeerka cashuuraha dalka." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowlad-gobolleedyada ayaa ugu baaqay golaha shacabka inaysan ansixin xeerkan oo ay ku sheegeen mid aan dhaqan gali doonin.
Go'aanka shirkan ka soo baxay waxaa soo dhaweeyay madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed oo shir saddex geesood ah xalay ku yeeshay magaalada Garoowe.
Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;
Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]