4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Ethiopian Airline oo duulimaadkii u horreeyay ku timid Garoowe


Isniin, July,15,2019 (HOL)-Shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airline ayaa maanta duulimaadkii u horreeyay ka billowday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Munaasabad daahfur ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jen Abshir ee magaalada Garoowe ayaa lagu soo dhawaayay rakaabkii u horreeyay ee Puntland ay keentay shirkadda Ethiopian Airline.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Dani ayaa ku tilmaamay billowga duulimaadka Ethiopian Airline inuu gacan ka geysanayo isku xirka Puntland iyo dunidda kale, wuxuu sheegay dedaallo ay sameeyeen inay ku suragashay duulimaadyada ay billowday Ethiopian Airline.

Waa duulimaadkii u horreeyay iyo midkii saddexaad ee shirkaddan ka sameynayso Soomaaliya, waxaana lagu wadaa toddobaadkii saddex mar inay timaado Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]