4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

 

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Taliska Mareykanka ee Africom ayaa war ka soo saaray saartay duqeymihii shalay ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni waxaana ay sheegtay in duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab.

War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in 52 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab lagu dilay ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen duqeyn jawaab u aheyd weerarkii ay shalay ku soo qaadeen degaanka Baar Saguuni.

Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkaa duqeynta ah oo ay ku qaadeen Al-shabaab wax dhibaato ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Taliska ayaa sheegay in ay sii wadi doonnaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]