Hiiraan Online
4/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la Kulmay Wafdi ka socday Bangiga Aduunka
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda Bangiga adduunka oo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,iyagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka maaliyadda dalka.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay ,Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga adduunka ee bariga Afrika iyo Hugh Riddle oo isna ah wakiilka Soomaaliya ee Bangiga adduunka.
"Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka , Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hannaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka".ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle.
Bangiga adduunka ayaa ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada dowladda Soomaaliya.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]