10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2019
Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka Wasiirradda Dalxiisa Wadamada Carabta oo ka dhacaya Sacuudiga

 

Isniin, December, 23, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa uga qeybgalaya dalka Sacuudiga shir 22aad ee Wasiirradda Dalxiiska Wadamada Carabta.

Dhinaca Soomaaliya shirkan waxaa ku matalaya wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maarreeye.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa arrimo la xiriira Dalxiisa Wadamada Carabta, iyadoo Soomaaliya ay hadda u muuqata in uu soo cesheneyso doorkii hore Dalxiisa iyadoo dib loo soo nooleynayo goobihii loo damashle taggi jiray ee ku haboonaa Dalxiiska.

Wafdiga Wasiirka ayaa inta uu joogo halkaasi wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,iyagoo ka wada hadlidoona fursadaha dhinaca dalxiiska ah ee ka jira Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]